Home of Solar Energy

SELF Sufficiency Waa 42

SABABTOO AH:-

Ma isticmaalo laydhka Itoobiya oo waxaan maalaa cadceeda ilaahay uu noo abuuray, waxaana ka raystay gumaysiga iyo baryada. Waxaan isku filnaaday 9%

Biyo markaan haraado hadaan u baahdo waxaan cabaa Mina Sparkling Water oo Faafan laga soo saaray. (3%)

Canjeerada xaafada waxaa laga sameeyaa Daqiiqda Durdur ee Warshada Lafaciise. (5%)

Baastada qadada waxaan ka qaataa Liban Flour Factory oo isticmaasha qamadiga banka Tuli Guuleed. (6%)

Saliida Macaarada een ku quraacdo kuna casheeyo waxay ka timid Godey Gacalo Oil Cooperative oo isticmaalaysa sisin ka baxday Shabeele. (2%)

Caano hadaan u baahdo Barwaaqo iyo Xayaad ma waayo. (2%)

Furaashka hadaan badalayo Warshada Furaashyada ee Jigjiga ayaa soo saaro kuwo tayo leh. (1%)

Jiingada aan kushiinka saarayna waxaa samaysay A & C Roofing oo ku taala wadada Wajaale. (1%)

Casariyaha keeg iyo doolsho ay naftu u mohato waxaan ka helaa Mahuraan Bakery oo saaxiibkay leeyahay. (2%)

Maalinkaan xanuunsadana (ilaahay iguma keenee) Warshadii Oxygenta waxay ku taala xaafada aan deganahay ee 7aad. (0.00001%)

Shilinka yar ee aan helana waxaan hada ka bacdi dhigan Shabelle Bank (10%)

War hadaan u baahdana asxaabtayda Geedka Nabada ayaa ii soo sheegta (0.9%)

Hada Isku Filnaanshihii (Self Sufficiency) 100% waxaa iiga dhiman
58% ██████████

Shirkada Hawd Telecom oo aan kaga raysan lahaa adeeg xumada Ethio Telecom (8%)

Ogadenia Airline oo aan kaga bogsan lahaa xaqiraadii iyo xaasinimada Ethiopian Airlines (5%)

Geedka Jaadka oo dhuxul isku badala oo Oromadu wada shidato (9%)

Wadooyin laami ah oo isku xidha Min Mooyaale-Cundhufo-Dawanle-Qulijeed-Dharkayn Geenyo-Ina Guuxaa-Feerfeer-Yeed-Doolo-Qadaaduma-Hudhet iyo inta u dhaxaysa. (19%).

Tuulo walba oo DDS ah oo yeelata Ceel iyo biyo galin xaafad walba ah. (17%).

Insha Allah Waynu Gaadhi Doonaa. Sharetana ku dadaala.

Facebook.com/Geedka Nabada